10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan! - BBC News Somali (2024)

10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan! - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Alamy

Waxaa jira arrimo ay jecelyihiin ama neceb yihiin bina'aadamka. Waxaa jiro kuwo uu in yar jecel ama neceb yahay.

Dumarku, sidoo kale, iyagoo qayb ka ah bani aadamkaas, waxay leeyihiin waxyaabo ay jecel yihiin iyo kuwa ay naceb yihiin .

Hadaba, waxaa jiro waxyaabo ay dumarka aad uga xanaaqaan oo ay naceb yihin ayna u arkaan waji-gabax.

Waxyaabahsaasi waxaa ka mid ah 10 shey ee soo socda.

10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan! - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, STU FORSTER / GETTY IMAGES

10: Daawashada ciyaaraha

Ragga waxay jecel yihiin kubadda cagta. Haddii ay jiraan wax isu keena oo ragga kulmiya waa isboortiga, gaar ahaan kubadda cagta.

Xitaa haddii haweeneydu jeceshahay inay daawato cayaaraha, ninka wuxuu ku faraxsan yahay in asxaabtiisa ay ciyaarta ka wada daawadaan garoomada ama si wadajir ah ay telfishinada uga fiirsadaan iyaga oo ku sugan hal goob, sida maqaayad ama gurigiisa.

Inta ay ciyaarta socoto Si wada jir ah ayay u qayliyaan, way ku murmaan, waxaa jira waqtiyo ay ku hadlaan erayo ama luuqad aan wanaagsanay oo kaftan ah.

Ragga waxaa qiimo wayn u leh xilliga ciyaarta ay socoto. Waxay waqti ka badan kan uu lamaanihiisa la joogo ku qaataa goobaha ciyaaraha.

Dumarka waxay dareemaan in la takooray oo aan mudnaanta la siinin… waxayna u maleeyaan in aysan qeyb ka ahayn nolosha ragga, inta lamaanahooda ama saaxiibadood ay la daawanayaan kubadda cagta.

10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan! - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

9: Eegidda dumarka kale

Waxaa jiro waxyaabo ay dabeecad u leeyihiin ragga taas oo qeyb ka ah hidde-sidaha, waana wax ka baxsan awooddiisa.

Si kasta oo uu ugu faraxsan yahay xiriirka uu la leeyahay lamaanihiisa ama qofka uu xiriirka jacey kala dhaxeeyo, marka uu arko haweeney qurux badan oo hormareysa wuu eegaa.

Hadda waxay ku xiran tahay inta uu ninka eegayo iyo sida uu u dareemayo iyo waliba sida ay u fasirto lamaanihiisa.

Ragga qaar ayaa is xakameeya oo ma jeestaan ​​markay la joogaan lamaanahooda, haddana wuxuu fursad u helayaa inuu eego 'lamaanihiisa quruxda badan ee soo jiidashada leh'.

Arrintaas waa mid dumarka badankooda aysan jeclayn. Ma jecla nimankooda ama lamaanayaashooda in ay eegaan dumarka kale.

8: In aad ka caawin waydo hawlaha guriga

Haddii aad xaas leedahay waxaa muhiim ah in aad wadaagtaan mas'uuliyadaha kala duwan sida nadiifinta, dhaqidda, xitaa karinta cunadda.

Haddii aad tahay qof xaaskiisa la qabto howsha guriga, wax dhib ah kalama kulmi doontid xaaskaaga. Waxaa laga yaabaa in ay kuu qaado darto jaceyl dheeraad ah, laakiin haddii aad isbeddel samayso, waxaa laga yaabaa in aysan kaa joojin jacaylkaaga laakiin aysan jeclaysanin waxa aad sameyneyso.

7: In aadan dhageysanin

Fikradda ugu weyn halkan waa in haweeneydu hadasho, ninku uu dhegeysto. Laakiin nasiib darro taasi mar walba suurtogal ma ahan.

Waxay ku xiran tahay arrimaha haweeneyda ka hadlayso iyo sida uu ninka u aqbalo.

Si kasta oo ay muhiim u tahay hadalka gabadha, sida ay dumarka qaar u soo bandhigaan, waa mid aysan ragga qaar qaadanin oo aysan dhageysan.

Haddii haweeneyda ku celiso arrinta in ka badan saddex jeer oo uusan ninka ka falcelinin, dumarka badankooda ma daneeyaan arrintaas.

6: Inaa aadan samaynin waxyaabo kadiska ah

Ma jirto waxa ay dumarka kaga farxad badan yihiin in aad u sameyso waxyaabo kadis ah oo ka farxiya, marka loo eego inay sameyso waxyaabo ay dhankaaga kaaga yaabiso adigoo naxsan.

Iyada oo aan ogeyn, waxaad u iibin kartaa waxyaabo aysan fileynin taas oo ah wax dumarka inta badan farxad galiya.

Waxaa laga yabaa in ragga ay waxyaabahaas yaryar ay u arkaan kuwa aan muhiim ahayn, balse dumarka waxay u tahay waxyaabo ay ku farxaan.

  • Jikada iyo c*nto karinta ragga Soomaalida!
  • Ma kufsi ayaa lagu tilmaami karaa haddii ninka uu xaaskiisa qasbo?
  • Buug aysan jeclaysan doonin ragga Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Finland

10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan! - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Getty Images

5: Quurada xilliga hurdada

Arrintani waa mid adag oo waa wax dabiici ah oo aan waxba laga qaban karin.

In kasta oo ay caddahay in dumarka ay dhankooda khuurin karaan, haddana dumarka ayaa inta badan dhibsada oo jeclayn ragga quuriya.

4: Diidmada in aad qabato labo shaqo halmar

Ragga hal mar ma qaban karaan wax ka badan hal shaqo, waxaa taa sabab u ah arrin dabiici ah. Markuu bilaabo inuu hal shaqo qabto, wuxuu maskaxdiisa oo dhan u jeediyaa shaqadaas oo keli ah.

Wuxuu 100% diirada saarayaa hawsha hortaala, markuu dhameeyo wuxuu bilaabayaa shaqo kale.

Dumarku waxay awoodaan in dhowr shaqo ay hal mar isla qabtaan, waxaa laga yaabaa in ay c*nto karinayso, maacuunta dhaqayso, isla markaasna cunugeedu dhabarka u saaran yahay.

Ninka ilaa uu mid dhammeeyo mid kalena ma bilaabo.

Dhibaatadu waxay bilaabmaysaa marka haweeneyda ay damacdo in lammaanaheeda uu sideeda oo kale u dhaqmo, Laakiin waxaa suurtogal ah in ninka uu sadaa sameeyo isagoo waqti badan galinaya.

3: In aad wax xun ku dhahdo meel fa*gaaro ah

Ragga badankood dabeecad ahaan ma xishood badna marka loo eego dumarka.

Waxaa laga yaabaa inuu ninka meel fa*gaare ah erey ku yiraahdo lamaanihiisa, laakiin haweeneyda xitaa ma qiran karto inay sidaas samaysay, sababtoo ah waa dabeecadda xishoodka ee uu alle ku abuuray.

Dumarka badankooda ma jecla inay arkaan ama maqlaan nin meel fa*gaare ah ku dhahaya hadallo adag. Si kadis ah ama si ula kac ah kama ahan ba.

10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan! - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, YVAN COHEN / GETTY IMAGES

2: In aad la wareegto rimuudka TV-ga

Tani waa wax yar marka la eego, laakiin dumarka agtooda waa wax ku weyn.

Dumarka waxay jecel yihiin inay TV-yada ka daawadaan waxyaabo badan, kuwaas oo qaarkood laga yaabo inay u muuqdaan kuwo aysan raggu jecleyn.

Waxyaabo sida c*ntada, kuwa la isku qurxiyo iyo riwaayadaha ayaa laga yaaba in ay daawato. Halka ninkana u arko inuu u baahan yahay daawashada kubbadda cagta ama filimada cabsida ah.

1: Qirashada khaladaadka

In uu dhaho waan qaldamay, waa wax ku adag ragga qaarkood, xitaa haddii ay khaldan yihiin.

Waxaa jiro kuwa u malaynaya haddii ay yiraahdaan 'waan khaldanahay' ama haddii ay ka hor qirtaan xaasaskooda, ay la mid tahay sida in uu guuldareystay.

Si kale haddii loo dhigo, ninka ma rabo in loo arko inuu daciif yahay, laakiin qirashada ma ahan daciifnimo, haweenkana waxay dareemaan mudnaan marka dembiga qof walba arko inuu qirto.

10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan! - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Gordon Ramsay's Duck A L'Orange Recipe - TheFoodXP
Delicious Gordon Ramsay Bacon Jam Toast Recipe - TheFoodXP
Funny Roblox Id Codes 2023
Golden Abyss - Chapter 5 - Lunar_Angel
Www.paystubportal.com/7-11 Login
Joi Databas
DPhil Research - List of thesis titles
Shs Games 1V1 Lol
Evil Dead Rise Showtimes Near Massena Movieplex
Steamy Afternoon With Handsome Fernando
fltimes.com | Finger Lakes Times
Detroit Lions 50 50
18443168434
Newgate Honda
George The Animal Steele Gif
Red Tomatoes Farmers Market Menu
Nalley Tartar Sauce
Chile Crunch Original
Immortal Ink Waxahachie
Craigslist Free Stuff Santa Cruz
Mflwer
Spergo Net Worth 2022
Costco Gas Foster City
Obsidian Guard's Cutlass
Marvon McCray Update: Did He Pass Away Or Is He Still Alive?
Mccain Agportal
Amih Stocktwits
Fort Mccoy Fire Map
Uta Kinesiology Advising
Kcwi Tv Schedule
What Time Does Walmart Auto Center Open
Nesb Routing Number
Olivia Maeday
Random Bibleizer
10 Best Places to Go and Things to Know for a Trip to the Hickory M...
Black Lion Backpack And Glider Voucher
Gopher Carts Pensacola Beach
Duke University Transcript Request
Lincoln Financial Field, section 110, row 4, home of Philadelphia Eagles, Temple Owls, page 1
Jambus - Definition, Beispiele, Merkmale, Wirkung
Ark Unlock All Skins Command
Craigslist Red Wing Mn
D3 Boards
Jail View Sumter
Birmingham City Schools Clever Login
Thotsbook Com
Funkin' on the Heights
Caesars Rewards Loyalty Program Review [Previously Total Rewards]
Vci Classified Paducah
Www Pig11 Net
Ty Glass Sentenced
Latest Posts
Article information

Author: Geoffrey Lueilwitz

Last Updated:

Views: 6172

Rating: 5 / 5 (80 voted)

Reviews: 95% of readers found this page helpful

Author information

Name: Geoffrey Lueilwitz

Birthday: 1997-03-23

Address: 74183 Thomas Course, Port Micheal, OK 55446-1529

Phone: +13408645881558

Job: Global Representative

Hobby: Sailing, Vehicle restoration, Rowing, Ghost hunting, Scrapbooking, Rugby, Board sports

Introduction: My name is Geoffrey Lueilwitz, I am a zealous, encouraging, sparkling, enchanting, graceful, faithful, nice person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.